ugu danbayn waxaa rumoow warar xan soo ahaa mudo dheer ka dib markii xalay uu aqbalay aktarka caanka ah ee Arjun Kapoor in xiriir la sameysay aktarada boolywoodka ee lagu magacaabo Malaika Arora.

Arjun Kapoor ayaa markii ugu danbeysay waayahiisii danbe xariir rasmi ah lalahaa waloow uusan guursan xidigta garoobka ah ee Malaika Arora, isaga oo waraysi uu siiyay Filmfare ku aqbalay in gabadhaas jalaqsan ee saaxibadii tahay uusan qarinayn.

Arjun iyo Malaika oo si wadajir ah u soo bandhigay jacaylkooda mana aha waxa lala yaabo balsa waxaa xiiso uyeelay arinta oo sanado badan la isla dhex mara jiray oo run noqotay.

Wareysi dhowaan uu arjun la yeeshay Filmfare, ayuu jilaaga ku aqbalay in uu xiriir jacayl la wadaago Malaika.

Waxa kale oo uu sheegay in warbahinta siisay dareemay raaxo hor leh asiga oo ka sii hadlayay arimaha gacalisadiisa.

“Waxaan soo baxnay sababtoo ah waxaan dareensanahay in warbaahintu ay na siisay sharaf, waxaa jira faham gaar ah oo ay warbaahintu leedahay … waxay ixtiraamaan, naxariis badan yihiin, daacadnimo iyo qummanaan, waana sababta aan u dareemay raaxo ”

Malaika Arora waa aktarad udhalatay dalka hindiya, oo qoob ka ciyaarka aad ugu dheeraysa, qaybna ka ah hablaha model ka ee dharka xayaysiiyo waxay 2017 kala tageen odaygeedii hore oo ay isu dhaleen Arhaan Khan, iyaga oo isqabay (1998–2017).