Weeraryahankii hore ee kooxaha Arsinal, Man Utd iyo xulka Holland Robin Van Persie oo kubada ka fadhiistay ayaa raali galin dharbaxo ah udiray taageerayaasha arinal ka dib markii uu sheegay in uu kooxda kaga tagay koob la’aan.

Van oo wacdarro ku dhigayay Arsenal sanadkii ugu horeeyay ayaa udhaliyay 48 kiulan 37 gool asiga oo ahaa hogaamiyaha ugu sareeya kooxda.

taageerayaasha Arsenal ayaa ku dhaliilay go’anka uu kaga baxay kooxda waliba uu ku tagat kooxda ay xifaaltamaan ee tabare Sir Alex Ferguson ee Man United.

Van Persie ayaa sheegay in ay u caraysan yihiin taageerayaashiisii hore balsa uu kana raali gelinayo.

“Waan fahmay in jamaahiirtu ay iga cadhaysnaayeen aniga, Waxaan ahaa kabtanka, Gool dhaliyaha ugu sarreeya waxaananu nimid booska saddexaad sanadkaas laakiin wakhtiyada qaar waxaad dareemaysaa inaad loolan u baahantahay, Wax cusub oo xiiso leh..Haddii aan dhaawaco dadka waan ka xumahay laakiin kaasi waa aniga, Waan sameeyay go’aankaas ..Wakhtiyada muhiimka ah waa inaad samayso go’aano adag waxaana uu ahaa go’aan aad u adag laakiin waa inaad daba joogsato go’aanadaas taasina waa waxa aan sameeyay”

Kooxda Arsenal ayaa ku dhibanayd inay hanato Premier League iyo dhammaan koobabka kaleba waxaana uu Roben Van Persie oo xiligaas loo yiqiin Van Goal qaatay go’aanka ah inuu ku biiro kooxdii Sir Alex Ferguson ee hanatay koobka hopryaalka Egnland asiga oo raacsaday gooldhilinta sanadkii labaad oo xiriir ah.