• Waalidiinta ayaa codsaday in magaalada laga mamnuuco qaadkani iyagoona ugu baaqay Mas’uuliyiinta inay kusoo biiran dagaalka ka dhanka ah maandooriyahani.

Gaarisa (Dailysom):- Soomaalida oo aad uga cabanaysa qaadka qaybihiisa kala duwan ee ka baxa dalka kenya gaar ahaan kuwa ku dhaqan kobalka 5 ee soomaalida degto ee loo yaqaan Waqooyi bari.

Qaar kamid waalidiinta ku dhaqan magaalada Garissa ee gobolka ayaa ka cabanaya in da’yarta magaalada uu dhibaato aad ba’an ku hayo jaadka nooca “makhookhaa” kaasi oo ay sheegeen inay dhalinta ay aad u isticmaalaan.

Waalidiinta ayaa cabashadooda mariyay warbaahinta iyaga oo codsaday in magaalada laga mamnuuco qaadkani iyagoona ugu baaqay Mas’uuliyiinta inay kusoo biiran dagaalka ka dhanka ah maandooriyahani.

Khaadka ayaa gayiga Soomaalida degta aad looga isticaalaa iyada oo xitaa si wali ah looga isticmaalo dalalka ay ubara kaceen.