• Ahlu-suna ayaa la sheegayaa in ay doonayaan in Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ee lagu dooran doono dhuusamreeb uu noqdo shaqsi ay iyagu wataan halka Madaxweyne Xaaf uu diidan yahay.

Dhuusamreeb (Daily Som):- Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in uu khilaaf soo kala dhex galay Madaxweynaha Galmudug iyo hogaanka sare ee Ahlu-Suna, waxaana khilaafkaasi uu salka ku haayaa, doorashada Madaxweyne ku xigeenka galudug garabka Madaxweyne Xaaf.

Ahlu-suna ayaa la sheegayaa in ay doonayaan in Madaxweyne ku xigeenka Galmudug loo doorto shaqsi ay iyagu wataan balse Madaxweyne Xaaf uu iska diiday sida muuqata waxa uuna taasi badalkeeda doonayaa in uu Madaxweyne ku xigeenkiisa noqdo ruux ay isku dhawyihiin si uu ugu baaqsado khilaaf kala oo soo kala dhex galla madaxweyne ku xigeenkiisa la dooran doono.

Sheekh Shaakir ayaa horey u qaatay Gudoomiye Baarlamaanka oo lagu doortay Dhuuso Mareeb, waxa ayna sidoo kale doonayaan in Madaxweyne kuxigeen ku darsadaan si awooda maamulka gacantooda usoo wada gasho.

khilaafkaani soo kala dhex galay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) iyo hogaanka sare ee Ahlu-suna ayaa sooo jiitamaayey tan iyo markii ay Xildhibaanada Galmudug garabka Dhuuso-Mareeb ay sheegeen in ay xilka ka qaadeen madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Maxamed Xaashi Cabdi, waxaase hada sida muuqata uu gaaray khilaafkaani meel xun.

Galmudug ayaa u qeybsan labo garab oo kala leh labo Madaxweyne iyo labo Gudoomiye Baarlamaan, waxaana labada garab ee Galmudug xarumo u kala ah Magaalooyinka Dhuuso Mareeb iyo Cadaado.