waa la is qabsada, khilaafaad baana yimaada, ee inta aan Doorashada la gaadhinba, wax walba oo ku xidhan, oo khilaaf iyo muran abuuri kara, ha la sii xaliyo, I jiid aan ku jiidana faa’iido ma keenayso,

Hargaysa(Daily Som):- Xildhibaan Saleebaan Garas Seed, oo ka ka tirsan Golaha Guurtida Soaliland, ayaa ka hadlay dib u dhaca ka yimid Doorashooyinka Golaha Wakiilada aamulkaas, asiga oo sheegay inay Madaxweynaha ka sugayaan Warqadii muddo kordhinta.

Xildhibaan Saleebaan Garas Seed, oo u la hadlay Wargeyska Geeska Afrika ee ka soo baxay Hargasa.

“Komishanka Doorashooyinku wey sheegeen in aanay Doorashooyinkii qorsheysanaa sannadka dambe inay dhacaan in aanay ku dhici karin muddada loo cayimay, sababahana aanay Doorashooyinku u dhici karina wey sheegeen, mar haddii ay Doorashooyinka dib u dhacayaana, Golaha Guuritda ayaa iska leh inay muddo kordhin sameeyso, Madaxweynaha ayaana hadda ka sugaynaa inuu noo soo gudbiyo warqadii ku saabsanayd arintan, markaas ayaana eegi doona, insha alaah, marka aanu isla eegno, Gole ahaan ayaanu ka mari doonaa waajibkayga Dastuuriga ah”.

Xildhibaan Garas Seed  ayaa sidoo kale ka hadlay Khilaafka ragaadiyay ha;ada dowlgiga ah gaar ahaan Ariaha siyaasada ee soaliland ayaa baaq u diray Xisbiyada Somalilnad, waxaanu ku taliyey in laga dheerado wax kasta oo keeni kara khilaaf iyo muran.

“Somaliland inta badan waxay caan ku tahay, xalinta khilaafadka hadba soo kordha, iyo isku tanaasulka,carab iyo labadiisa daan baa is qaniina, waxna waa la isku qabtaa, waana laga heshiiyo, waana la isla xaliyaa, ee balse aynu ka ilbaxno khilaafaadka siyaasiga ah ee soo noq-noqda ee ku saabsan Doorashooyinka, sababtoo ah mar walba oo la gaadho wakhtiga Doorashada, waa la is qabsada, khilaafaad baana yimaada, ee inta aan Doorashada la gaadhinba, wax walba oo ku xidhan, oo khilaaf iyo muran abuuri kara, ha la sii xaliyo, I jiid aan ku jiidana faa’iido ma keenayso, ee Xisbiyadu ha heshiiyaan, oo xal deg deg ah ha gaadhan”

Sooaaliland ayaa udiyaar garoobaysa Doorashada Golaha wakiilada iyada oo koishinka Doorashada sheegeen in aan wakhtigeeda lagu qaban karin.