Qof taageera kooxda Tottenham ayaa la xiray ka dib markii uu qub moos ku tuuray garoonka Arsenal ee Emirates Stadium, ciyaartaas ay Arsenal isku arkeen ayaana dhacday Sabtidii.

________________________________

London (Daily Som):- Qubkii mooska ayaa la soo tuuray markii uu Arsenal goosha u dhaliyay Pierre-Emerick Aubameyang.

Qof u hadlay kooxda lagu naanaysoSpurs ayaa sheegay in garoomada laga mamnuuci doono ciyaartoygaas.

Lix ruux oo kale ayaa loo xiray dambiyo yaryar, ugu yaraan labo ka mid ah ayaa la rumaysan yahay in ay yihiin taageerayaasha Arsenal, kuwaas oo uuro daaray intii ay ciyaartu socotay.

“Dabeecadaha sidan oo kale ah lama aqbali karo, taageeraha arrintan loo haysatana garoomada ayaa laga mamnuuci doonaa.” Ayuu yiri afhayeenka Tottenham oo arrinta mooska ka hadlay.

Ciyaarta ay arrintaasi ka dhacday waxay Guushu ku raacday Arsenal oo 4 iyo 2 kaga badisay Tottenham.