Ingiriisku ma aqoonsana madaxbanaanida Somaliland, Mawqifkayaga mudada dheera waa halkiisii”

________________________________________________________________________

London (Daily Som):- Wasiirul dawlaha Ariaha horarinta Dalalka uu Ingriiska Gumaysan jiray oo loo yaqaan barwaaqo sooranka Harriet Baldwin, ayaa sheegtay in UK Somaliland kala shaqeeyso arrimo badan oo ay ka mid yihiin ammaanka, iyo horarinta Balsa aysan aqoonsiga kala shaqayn aadaaa taas ay tahay id utaala Soomaalida iyo Dalalka Gobalka.

waxaanay sheegtay inay la kulantay Madaxweynaha Soaliland muuse Biixi Cabdi ayna kala hadashay arrimaha ammaanka iyo hormarinta Somaliland.

Xildhibaan Jim Cunningham oo ka tirsan xisbiga shaqaalaha ee dalka Ingiriiska, ayaa baarlamaanka Ingiriiska wuxuu Wasiir Harriet ku weydiiyay su’aal ahayd waxyaabaha ay dawladda Somaliland kagala hadashay wada hadaladii u dambeeyay ee dhinacyada ammaanka gobalka iyo qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland.

Wasiir Harriet Baldwin ayaa ku jawaabtay sidan “Waxaan Madaxweyne Biixi kala hadlay arrimaha ammaanka; socdaalkaygii 7 Oktoobar ee Hargeysa, Somaliland door muhiim ah ayay kaga jirtaa la dagaalanka khatarta  argagixisada ee gobalka, Ingiriisku wuxuu Somaliland siiyaa kaalmo dhawr dhinac ah oo ay ku jiraan xoojinta awooda Somaliland  si  meesha looga saaro hadidaada argagaxisada, in caddaymo la ururiyo dambiilayaashana la xidho iyadoo lagu salaynayo xurmaynta xuquuqal insaanka iyo saraynta sharciga.

Waxaanu ka walaacsanahay isku dhacyadii sannadkan horaantiisii ka dhacay magaalada Tukaraq, waxaanu si adag ugu dhiirigelinaynaa hoggaaminayaasha dhammaan dhinacyada inay khilaafaadka ku xaliyaan nabadgelyo kalana shaqeeyaan dhexdhexaadinta ay wadaan Dalalka ku bahoobay IGAD.

Ingiriisku ma aqoonsana madaxbanaanida Somaliland, Mawqifkayaga mudada dheera waa halkiisii, oo ah in Soomaalidu ay heshiis ka gaadhaan arrinta Somaliland iyagoo wada hadal u maraya  iyo inay wadamada gobalku horseed ka noqdaan aqoonsiga natiijada wada hadalkaas.”

Dawladda UK, waxay taageersatanahay dedaalada Somaliland ee ku aaddan inay gacan ka gaysato ammaanka gobalka iyadoo la  shaqaynaysa Booliska, garsoorka iyo bulshada rayidka ah.