koofur galbeed Soomaaliya oo sheegay in Fedaraalka ka dalbadeen Ciidamo ka qayb qaata Sugida Amaanka Doorashada oo 4 maalin ka dib ka baydhabo dhacaysa Baydhabo.

________________________________________________________________________

Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed  ayaa sheegay ciidamada Booliska ah ee la keenay Magaalada Baydhabo ay door ka qaadanayaan sidii loo xoojin lahaa ka hortaga Al-Shabaab iyo weerarada ay ka gaysan karaan magaalada inta lagu guda jiro arrimaha doorashada oo ah wakhti Xasaasi ah.

“Sax waaye wey jirtaa ciidamo boolis ah oo heer federaal ah ayaa la keenay magaalada Baydhabo, ciidan boolis oo Federaal ah ma ahan markii ugu horeysay ee la keeno magaalada baydhabo horeyna wey u joogeen, Insha Allah kuwa kale oo badan waxaan rajeyneynaa in la keeno, Waad la socoto deegaanka waxaa ka jirta doorasho, doorashada waxa la rabaa inay ku dhacdo si nabad ah.” ayuu yiri.

Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Sooaaliya  in ciidanka ka hor tagi doonaan falalka Amaan daro ee qal qal galin kara doorashada asiga oo si cad usheegay in ay difaac kaga jiraan kooxda alhabaab oo weeraro ka gaysan karta, asiga oo su’aal galiyay waxa ay udhii karto Nabada deegaanka waxa uuna ku faanay in ay qayb ka yihiin dowlada Dhexe ee Fedareaalka ah.

“Argagixisada Al-Shabaab waxa ay doonayaan inay falal amni darro ka geystaan deegaanada Koonfur galbeed, ciidankana waxa ay ka shaqeyn doonaan amniga, ciidanka la keenay waxa ay u yimaadeen sugidda amniga, dowladda Goboleedka Koonfur galbeed ee Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah federaalka, wax dhibaato ahna kuma qabno ciidamada naloo keenay oo ka shaqeynaya Nabad gelyada.” Ayuu hadalkiisa ku daray.