Madaxa Ugu sareeya Jabhada ONLF oo Markii ugu horaysay gaaray Magaalada Addis Ababa

38

Madaxa ugu sareeyo Jabahada OLNF oo dagaal kula jirtay Dowladda Itoobiya Mudo dheer ayaa gaaraan Magaalada Addis Ababa.

________________________________________________________________________

Addis Ababa (Daily Som):- Hogaaiyaha ugu sareeyay Jabhada udaagalanka Xuriyada Deegaanka Soomaalida ONLF ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay Magaalada Magaalada Addis Ababa ka dib wadahadlo dhex Maray iyaga iyo Itoobiya.

Jabhada ONLF ayaa horay looga saaray Waxa ay Itoobiya ugu yeerto Argagixisadda kadib Isbadel Ballaaran oo ka dhacay Gabi ahaan siyaasada Dalkaas, waxaana lagu waddaa in ay  wada hadal la yeeshaan Ra’iisul Wasaaraha dalka itoobiya Abiy Axmed.

Wafdigan oo ka kooban 20 Xubnood, waxaa uu qorshuhu ahaa in Arbacadii la soo dhaafay ay ku laabtaan Itoobiya hayeeshee dib ayey u dhacday.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, Madaxweynaha Dowlad degaanka,ku xigeenkiisa,Wasiirka Maaliyadda dowladda Itoobiya iyo xubno kale ayaa ku qaabilay Garoonka Diyaradaha ee Hilton.

Waa markii ugu horeeyay ee Madaxa ugu sareeyo Jabahada OLNF oo dagaal kula jirtay Dowladda Itoobiya tan iyo 1984, ay gaaraan Magaalada Addis Ababa.