Waxaa markii labaad dib loo dhigay Doorashada Koofur galbeed Sooaaliya iyada oo ay wali muuqata in uu jiro culeys dhinac doorashada ah.

________________________________________________________________________

(Baydhabo) Daily Som:- Dib u dhac ayaa mar kale ku yimid doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo lagu waday in la qabto 05 bishan December.

Guddiga doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa sheega in doorashada dib loo dhigay ilaa 19ka bisha December.

Lama oga sababta keentay dib dhacan mar kale ku yimid doorashada, hasse ahaatee wali muuqata in uu jiro culeys dhinac doorashada ah oo dhinacyo badan ka imanaya, iyadoo maalintii shalay ay gaareen magaalada Baydhabo ciidammo ay halkaa ku dirtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Dadka ka faalooda Ariaha Siyaasada Soomaaliya Gaar ahaan Koofur galbeed ayaa ku kala aragti duwan habka ay dowladda u wajaheyso doorashada oo la leeyahay waxaa jira fara-galin ba’an oo uga imanaya dhinac madaxtooyadda Soomaaliya.