Wararka ka imaanaya Magaalada Xarardheere ee Gobalka Mudug ayaa sheegaya in kooxda Alshabaab isaga baxeen Degmada, kadib markii ay kordheen howlgalada lagu beegsanayo Saraakiisha Xarakada ee ka SUGAN deegaanada degmadaasi

wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee Sonna ayaa sheegayaan in Saldhiga, Xarunta Degmada iyo Goobo kale oo Shabaabka Fariisimo u ahaa in ka badan Toban Sano, ay cidlo yihiin oo ay banneeyeen, iyagiina ay u baxsadeen dhulka Howdka ah.

Xarkada Alshabaab ayaa waxaa dhowrkii bilood ee la soo dhafay lagu haayay duqaymaha dhanka cirka ah iyo ciidamada Kumaandoosta Xoogga Dalka oo howlgalo qorshaysan ka fulin jiray deegaanada ay ku sugan yihiin.

xalay ayaa duqeymo lagula beegsaday qeybo kamid ah Deegaanno hoostaga Degmada Xaradheere xoogag ka tirsan Xarakada waxaana loo sababaynayaa in ay umaqan yihiin asbaabahaas dartood.

Ciidanka Militariga oo kaashanaya Saraakiil Cadaan ah ayaa maalmihii la soo dhaafay kordhiyay howlgalada isugu jira weerarada tooska ah iyo duqeynta xagga cirka ah.

Wali alshabaab war kaa soo saarin duqayaha lala beegsaday iyo kabixitaan Degmada Xarar dheere oo ka mid ahayd meelaha ay sida wayn ugu xoogan yihiin.