Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka (HSNQ) ayaa sheegay in howlgal xirfadeysan oo si taxadar leh loo fuliyay lagu soo qabtay mid ka mid ah maskaxdii maleegtay weerarkii lagu qaaday Hotelka Saxafi 9-kii bishan November.

Qoraal lagu soo dhigay barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu sheegay in ciidanka Amniga ay ku guuleysteen soo qabashada mid ka mid ah raggii maleegay weerarkaas, lana horkeeni doono sharciga.

qoraalka la soo galiyay barta Twitter-ka ee laguma sheegin magaca qofka la soo qabtay iyo halka laga soo qabtay.

Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka ayaa muddooyinkii u dambeeyay barta Twitter-ka ku shaaciya xogo la xiriira howlgalo lagu soo qabtay horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab iyo ISIS.

Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka oo bil ka hor uu iska casilay Agaasimihii Hey’addaas, ayaa waxaa hada kusime ka ah Agaasime kuxigeenka Hey’adda Fahad Yaasiin oo ah xilligan ninka kaliya ee ugu awoodda badan Hey’adda, maadaama markii horeba hey’addu hal kuxigeen laheyd, kaddib markii xilalka laga qaaday Labadii Kuxigeen ee hore.