Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump oo is yeel uu ka muuqdo ayaa sheegay inuusan ku qanacsanayn sida Boqortooyada Sucuudiga ay uga hadashay dilka loo gaystay wariyaha reer Sacuudi ee Jamaal Kaashogji.

Trump ayaa sheegay inay ay Macquul tahay in Madaxa Xukuumada ee Sacuudiga BinSalsaman uusan Waxba ka war hayn marka laga eego dhanka dilka weriyaha. ” Aniga kuma qanacsani warbixinta ay baahisay Sacuudiga tan iyo inta laga helayo jawaab cad Waan eegayaa’. waxa uuna intaasi ku daray inay suuragal tahay cunabatayn dhanka hubka ah oo lagu soo roggo Boqortooyada balse ay tahay dhibaato wayn ay soo wajahdo Mareykanka marka laga eego tan uu wajahi karo sacuudiga Maadaama Maraykanka uu la galay Sacuudiga heshiis kor udhaafaya 400 bilyan oo uu kaga iibsanayo Hub iyo saanad Military.

Tan iyo Markii ay Boqortooyada Sucuudiga  sheegtay in weriye Jamaal Kaashogji uu geeriyooday waxaa isbadalay mowqufkii Maraykanka ee ahaa in uu ciqaabi Doono Binsalmaan hadii ay ku cadaato, waxaana loo aaneynayaa danaha aan kala Go’a lahayn ee ka dhexeeya Sacuudiga iyo Maraykanka.

dhanka kale Ingriiska, Faransiiska iyo Jarmalka ayaa Sacuudiga ugu baaqay inuu sharraxaad dheeri ah ka bixiso dhimashada wariyaha Caanka ahaa ee Jamal Khashoggi.

War ay si wada jir ah usoo saareen ayay ku sheegeen geerida Khashoggi ee sacuudiga ku sheegay Dagaal ka dhacay Qunsuliyada la faahfaahiyo.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in ay meel kasta la tagi doonaan Cadaalad siinta Wariyaha Sacuudiga udhashay ee Jamal Khashoggi uu Talaadada soo aadan uu baarlamaanka la hor iman doono. Asiga oo ka hadlayay Arintaas ayuu ka sheegay Dibadbax lagu qabtay Istanbul hadalo kulkulay oo ku wajahnaa Arinta khashogji iyo cadaalada “waxaan raadineynaa ee iisu kaanna keenay waa caddaalad taa ayaana keeneysa inaan runta la qariyey oo dhan aan dibadda soo dhigno.”