Madax ka socda ONLF iyo Itoobiya ayaa maanta la filaya inay heshiis ku kala saxiixdaan Magaalada Casara ee Eritrea si ay uga wada hogaansamaa arrimo dhowr ah oo ku gadamaan meel marinta qodobada lagu heshiiyay.

Afahayeenka ONLF Cabdi Qaadir Xassan Hirmooge oo la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay in la soo afgartay qodobo Badan oo laysku maandhaafsanaa ayna kamid yihiin aayo ka talinta,arrimaha dhaqaalaha iyo arrimaha ammanka ee Gobalka.

Caddaani wuxuu sheegay in arrimaha siyaasadda aanan wax heshiis laga gaarin.

“Waxaan xusi karaa in ONLF iyo dowladda Itoobiya isku afgarteen in ujeeddooyinkii iyo barnaamijkii siyaasiga ahaa iyo hadafkii ONLF ay si nabadgelyo ah iyadoo aanan waxbo ka baddalin u sii wadan karto” ayuu yiri .

Hirmooge ayaa cadeeyay in ay ka id noqon doonaan
Dowlada Itoobiya asiga oo cod dheer ku sheegay in qabanayaan hadii xilal looga magacaabo dowladda Itoobiya oo udo dheer Dagaal kala dhexeeyay.

“Suuragal weeye, mar haddey ONLF nabad qaadatay , dad ONLF kamid ahaan jiray howlwadeen way ka noqon karaan meel kale, dowlad goboleedka dood kama qabto”.

Wuxuu sheegay inay u dirirayaan xuquuqda dadka Soomaalida ee ku dhaqan Itoobiya haddii ay noqoto saamiga ay ku yeelanayaan dhaqaalaha iyo siyaasadda Itoobiya.