Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya inuu ka bilowday Olole siyaasadeed oo ka dhan ah Madaxweyne Xaaf.

Xildhibaano ka tirsan Galmudug, gaar ahaan garabka Ahlusuna ee fadhiya Dhuusamareeb ayaa mooshin ka wada Axmed Ducaale Geelle Xaaf

Xildhibaanada Mooshinka ka wada Madaxweyne Xaaf ayaa la sheegay in hada gaaraya 50-Xildhibaan, waxaana suurto gal ah in tiradaasi kasii bataan hadii aan cadaadis la saarin ama xal laga gaarin arimaha keenay mooshinkan cusub.

Muxudiin Cali Jimcaale(Jakuula) oo kamid ah Xildhibaanada Galmudug ee Dhuuso Mareeb jooga ayaa sheegay in mooshinka hada saxiixeen ilaa 50-Xildhibaan,waxa uuna Xildbibaanka sheegay in Madaxweynaha lagu eedeeyay waxqabad la’aan.

Mooshinka laga wado Xaaf ayaa ku soo aaday, iyadoo ay jirtay hadal heyn ku saabsaneyd magacaabida Gole Wasiiro cusub, waxaana jira Xildhibaano ka biya diidan magacaabida iyo sida uu wax uwado adaxwaynaha.

Axmed Ducaale Geelle xaaf ayaa la filayaa inuu tago magaalada Gaalkacyo, waxaana uu uga gudbi doonaa magaalada Garowe oo 15-ka bishan ka furmi doona shir ay leeyihiin Madaxda dowlad goboleedyada.

Xiisada siyaasadeed ee ka jirta Dhuusamareeb ayaa waxay sii xoojineysa khilaafka uu la daala dhacayay Maamulka Galmudug oo horay madaxdiisa ay ugu kala jabeen Cadaado iyo Dhuusamareeb.