Maalinta 14 Octobar 2017 Waxa ay Soomaalida iyo Caalamka Gaar ahaa Reer Muqdisho u ahayd Maalin Madoow oo aysan waligood ilaawi doonin, Musiibadii Ku dhacday awgeed, Afar maalin ka dib waxa ay ku beegan tahay 14 Octobar 2018 waxaa sanad jirsanaysa Maalintii ilmada wada qubatay dal iyo dibad, Soomaali, Ajaanib iyo inta Damiirka leh.

Sida ay dowlada Soomaaliya Shaacisay qaraxaas waxaa ku geeroyooday  in ka badan 600 qof waxaana ku dhaawacmay ilaa 300 oo qof kuwaas oo la geeyay isbitaalada magaalada, waxaana jhiray, dad ay xaafadahooda iyo jidadka ay ugu tageen firirka walxaha qarxa kuwaas oo dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen isla markaana aan laga diiwaan galin isbitaalada iyo xarumihii qaabilsanaa.

Burburka Dhaqaale ee ka dhashay Qaraxa Soobe

Burbur Hantiyadeed oo Xoogan

Qaraxaasi waxaa ka dhashay Burbur hantiyadeed oo aad ubalaaran, waxaana dhulka galay ku dhawaad 10 million oo dollar, Goobta oo ahayd Goob istiraatiiji ah aawgeed, waxaana ku yiil goobta Meherado ganacsi oo waa wayn kuwaas oo lagu maal galiyaya tobaan kun oo dollar midkiiba.

Goobta ayaa waxaa ku yaal qiyaasti 100 xarun  ganacsi , oo ay ubadnaayeen hoteello, dukaanno, xawaalado, goobo lagu iibiyo shidaalka iyo noocyo kale oo ganacsi.

Sida ay Xog aruurin ku soo ogaatay Warbaahinta Goobjoog oo ku taala Muqdisho, waxaa ku burburay ku dhawaad $6,306,061.77.

Xarumaha lagu iibiyo qalabka dhismaha guryahaayaa kamid ah qeybaha ugu badan ee uu qasaaraha soo gaaray waxaaana ay shirkadahaasi wadar ahaan qaraxii Soobe ku waayeen $1,544,887.17

Maqaayadaha iyo hoteeladana ay gaarayaan $2,845,735.00. Hoteelada iyo maqaayadaha ku yaallay Soobe ayaa ah qeybaha ganacsi ee saameynta ugu badan uu ku yeeshay qaraxii October 14.

Hotel Safari oo ka koobnaa 45 qol oo qalabeysnaa, 3 hool oo xilga uu qaraxa dhacayay wax yar ka hor la dayactiray iyo maqaayad weyn ayaa gebi-ahaanba burburay.

Carwooyinka lagu iibiyo dharka Ragga, Dumarka iyo sidoo kale waxyaabaha ay haweenka isku qurxiyaan. Waxaa gebi-ahaanba burburay carwooyinkii ku yaalay banaanka Hotel Safaari ee dhanka isgoyska xigay, waxaana halkaas laga soo calaamadeeyay khasaaro maaliyadeed oo gaaray $400,070.60 ugu yaraan.

xurumaha lagu iibiyo qalabka Elektarooniga oo ay kamidyihiin taleefonada, taleefishinada, kumbiyuutarada, qasaaladaha dharka oo ku yaallay hareeraha isgoyska Soobe, waxaana wadarta hantida burburtay lagu qiimeyay $323,670.00.

Haddii aan soo-koobno xarumaha shidaalka lagu iibiyo waxaa ku burburay hanti dhan $21,000, halka dukaamada bagaashka ah iyo farmashiyeyaasha ee uu qaraxa saameeyay ay gaartay qasaaro dhaqaale oo dhan  $250,900.00.

Taas oo isku noqonaysa Soo aruurinta khasaaraha Hantiyadeed ee Xaruntaas soo ogaatay waxa ay noqonaysaaa  $6,306,061.77.

Muqdisho sidee Ugu jawaab Celisay

19 October Dhismaha wada Soobe oo la bilaabay

Isla 19 October 2017 shan maalin ka dib waxaa bilaawday Dhismaha wadada Mashaqada ka dhawacday ee Isgoyska Soobe waxaa ka bilowday dayactir lagu sameynayo waddada iyo dhismayaashii ku burburiyay qarixii ugu khasaaraha Badnaa ebad ka dhaca Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegatya in ay doonaysay xiligaas in la muujiyo in aanan la niyad jebin, dib u dayactirkana waxaa hoggaaminaya Gudoomiyihii Xilgaas ee gobolka Banadir Taabit Cabdi Maxamad.

Mar uu ka hadlay ayuu sheegay in uu ujeedkoodu yahay in wada la furo “Ujeedada waa in meesha la hagaajiyo, la nadiifiyo, sideedii horena lagu soo celiyo ka dibna calaamadihii waddada la soo celiyo,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dib u soo celinta qaab dhismeedkii hore ee caadiga ahaa ay ka dhigan tahay adkaysi “adkeysi iyo in aan la niyad jabin, iyo in rajo ay ku jirto. Waxay jawaab u tahay in aysan hakin karin hormarka aad wadno, dhibaato kalena in ay noo geystaan waan ka taxadari doonnaa waana iskaashan doonnaa,” ayuu Cod dheer ku yiri barigaas.

Wadada Zoobe Oo Dib U howl gashay.

21 Octobar wadada Sopobe oo la furay

wixii ka dabeeyay maalintii uu qaraxa ka dhacay illaa 21 Octobar waxaa socday dayactirka wadada laamiga ah ee qaraxa uu saameeyay taas oo ay waday, Maamulka Gobolka Banaadir kaas juhdi badan ku bixiyay sidi dib loogu furi lahaa wadada waxa ayna ku guulaysteen 21 October oo Asbuuc ka dib qaraxii Soobe.

Ciidankii Amaanka gaar ahaan Booliska iyo Nabad Suggida ayay wadada ay u xirnayd todobaadkaas iyada oo howlo shaqo oo muhiim ah ka haayay.

Wasiirka amniga xukuumadda Fedaraalka ah ee Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale Isloow ayaana shir jaraa’id ku qabtey halka qaraxa uu ka dhacey taariikhda marka ay ahayd 21/10/2017 isaga baahiyay in la furo wadada dhibka ka dhacay iyada oo wixi xilgaas ka dambeeyay wado si caadi ah loo iscmaalyay.

Boqolaal Dad weyne ayaa gaaraya goobaha uu qaraxa saameeyey, ka dib markii ay heli waayeen fursad ay ku arkaan, dhibka ka dhshay Goobta maadaama ay Ciidanka ay horay ugu xirneed.

Gaadiidka kala duwan ayaa dib uhowlgalay sida kan dadweynaha, Mooto Bajaajta, kuwa raaxada iyo Gaadiidka dowladda, waxaana si caadi ah u iticmaalayaan ilaa hada.

Isgooyska Soobe iyo Sanad ka dib.

Caalamka
qaar ka id guryaha dib loo dhisay

Isgooyska soobe waa halka dhibaatadii ugu wayneed ebad dalka ka dhacday waxa ayna ka soo kabanaysaa qarixii waynaa, wada waxaa laga hirgaliyay xarumo ganacsi oo kuwi hore ka sii balaaran, waxa ayna nasiib uheshay maal gashiyo cusub.

Gawaarida ayaa sidi hore oo kale uga howlgala waxa ayna wali haysataa saxmadii iyo macaamiishii tirada badnayd ee ka dukaamaysan jiray meharadaha halkaas ku yaala.

Balsa wada ayaan lahayn Askar taraafiko joogta ah oo si wacan uga howlgala, marka aad ku safrayso wadadaas waxa ay kugu qaadanaysaa ku dhawaad 30 daqiiqo Nidaam darada iyo Saxmada ka jirta awgeed, Inta badan waxaa jooga wada ciidamo boolis ah gaar ahaan kuwa ku shaqada leh Sugida Amaanka, iyada oo marar dhif ah una badan Subixi ay tagaan Askar taraafiko ah kuwaas oo galbkii ka hoyaada.

Qaraxi soobe oo wali loo dhutinayo

sida aan kor ku soo sheeganay waxuu gaystay qaraxa soobe burbur hantiyadeed oo baaxad leh, iyo maskaxeed, iyada oo laga soo kabtay inti macquulka ahayd ee wax yeelada fudud soo gaartay jir ahaan iyo hanti ahaanba.

qaar ka mid ah goobihii burburay oo wali la dhisin

qaar ka mid ah goobahii ku burburay qaraxa ayaa soo kabtay oo dib loo dayac tiray iyada oo qaar kale ay nasiib uyeelan waayay, sawirka ha;lkaan idinkaga uuqda waxaa laga soo qaaday wadada soobe waxaana lagu gooyayjiingad, si meesha looga astuiro dhaxaanta iyo bvurburka ka muuqda aawgeed.

sdidoo kale

Sidoo kale waxaa jira dadkii ka badbaaday qaraxa laakiin wali la nool yihiin dhibtii uu ugaysatay sida uu bbc da usheegay dhaqtar lagu magacaabo Cabdi Ibraahim Jiya “Dadka Soomaaliya ku nool oo dhan waxaa haysta dhibaato caam ah oo soddon sano ayay ku nool yihiin meel qarax iyo dhibaatooyin ka socdaan, marka dadka oo dhan dhibaato maskaxeed ayay qabaan laakiin xaddiga ay dhibaatadu gaarsiisan tahay ayaa kala badan. Balse kuwii joogay qaraxii Soobe oo ah kii ugu yaabka iyo dhibaatada badnaa waxay u keentay in ay naxaan markay qarax maqlaanba oo is dhahaan adiguu kugu dhacay, maantana dadkii aagaas joogay way caafimaad qabaan ma dhihi karno.” Ayuu yiri

Dadka iyo dowlada Cashar ceenkee ah ayay ka barteen.

Banaan bax ka dhacay uqdisho oo looga soo horjeeday qarixii soobe

shacab fara badan ayaa isugu soo baxay fagaaraha Daljirka Dahsoon 17 October waxa ay dhaleecayn Xoogan Usoo jeediyeen Dagaal;ama yaasha Alshabaab, waxayna iyaga oo caraysan ku baaqeen in meel looga soo wada jeedsto.

Dareenka banaanbaxayaasha waa mid ay la wadaageen dad badan oo aanan tagin dibadbaxa, dhacdadanna waxay ahayd mid mideysay quluubta Soomaalida oo dhan, in ka badan dhacdooyinkii kale ee soomaray dalka.

hadaba Dowladu wey maamuusi doontaa maalinkaasi, dadkuna wey isu iman doonaan, waaana la xasuusan doonaa dadkane qaarba si ay ay uxusi doonaa qaar xaflad iyo heesi ugaraaco, iyo kuwa uduceeyo intaba.

Waxaana ilaa hada meel lagu sheegin Maskaxdii ka dambaysay dhibaatadaas iyada oo ay caddalaada sugayaan boqolaalkii dhibaatada ka soo gaartay qaraxa.

war na soo gaaray ayaa sheegay in kulan looga hadlayo dhacdadii 14 October uu ka dhici doono Muqdisho, sidoo kale sawir boor loo sii diyaariyay kulanka ayaa la soo galiyay baraha bulshada kuwada xiriireto, kulanka ayaa loogu yeerat mid lagu Xusuusanayo, wixii maalinkaa ka dhacay Isgooyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.

©Copyright Caalaka
webmaster@caalamka.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here