Wasiirka Caafimaadka  Soomaaliya Marwo Fowziyo Abiikar Nuur oo ka hadashay Arintaan ayaa  sheegtay  in cudurka Qaaxada dadka Soomaaliyeed dhibaatooyin Badan uu ku haayo, waxa ayna sheegtay in cudurka sii faafayo iyada oo sababta  ku tahay in daawooyin aan sax aheyn dalka la keeno.

Wasiirada oo la hadashay Idaacada Codka Maraykanka ee VOA  ayaa sheegtay in Hey’ado caalami ay ka taageeraan baaritaanka cudurka, iyadoo tilmaamtay in daawooyinkaas ay yihiin kuwo lacag la’aan ah oo laga heli karo xarumo kasta oo ku yaala Dalka.

“Waxaan soo saarnay xeer ah in la mamnuuco ka ganacsiga daawada TB-da iyo soo dejinta, waxaa jira daawooyin aan tayo laheyn oo dalka la keeno”ayay tiri.

Waxaa ay sheegtay in daawoyinkaas loo heli karo si lacag la’aan ah, isla markaana illaa 100 goobood oo Soomaaliya ku yaalla laga qaadan karo.

“Ma jirto sabab qofka u tago Farmashiye oo uu daawada kaga gato daawoyinkaas waa lacag la’aan, waxay yaalaan xarumo badan oo caafimaad sida goobaha MCH-ka degmooyinka iyo goobo kale”ayay tiri.

Wixii ka dambeeyay Burburkii dowlada Dhexe ee soomaaliya ayaa waxaa sii xoogaysanayay Ganacsiga sharci darada ah, ee sababa halisaha waa wayn ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.