Hogaamiyaha Dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku joojiyay digreeto ka soo baxday Xafiiskiisa Mashruucii Lagu Dhisayay Wadad isku xirta Magaalooyinka Garowe Iyo Galkacyo.

qoraalka Gaas ayaa Lagu Sheegay in la baarayo Isdabimarin Iyo Musuq Baahsan oo lagu eedeeyay Madaxda Gacanta ku haysa Mashruucaas.

 

Qoraalka lagu joojiyay Mashruuca ayaa waxa uu uqornaa sidaan:

 

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 1 Oct 2018 Joojiyey Mahruuca.

Xeer Madaxweyne Lr.132 Oct 1, 2018, kuna saabsan magacaabid Joojin Mashruuc.

Madaxweynaha Puntland.

Markuu Arkay: Dastuurka Puntland

Markuu la Tashaday: Madaxaweyne ku xigeenka Puntland

Wuxuu Xeeriyey:

1.Inuu La Joojiyo Mashruucan Lana Sameeyo Gudi Xaqiiqo Raadin Ah

2.Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu Saxiixo wuuna saxiixay madaxweynuhu