Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa ogolaatay in ay Argentina garab dhaqaalo oo xoogan siisao ka gadaal dhaqaalo dari soo food saartay.

IMF ayaa si degdeg ah u siinayso lacag fara badan oo lagu kabayo dhaqaalaha dalkaas ee sida ba’an hoos ugu sii dhacaya, taas  oo ka badan doonta middii ay hore qorshaysay.

Hogaaiayaha Hay’ada Lacagta Aduunka Christine ayaa sheegtay in ay tahay lacagta la siinayo argentina idi ugu badnayd ee dal qura u qorshayso ha’ada.

Dhaqaalihii ay miisaaniyadda Argentina ku kabi lahayd saddexda sano ee soo socota oo ahaa 7 bilyan ayay hadda ka dhigi doontaa 57 bilyan oo doolarka Maraykanka.

Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo Argentine ay wajahayso miisaaniyad yari iyo khalkhal dhaqaale oo ka sii daray markii ay dhulka gashay lacagta Argentine ee lolo yaqaano Peso.