Waxaa maalmihii ugu danbeeyay sii xoogaysanayay Xoolaha sida sharci darada ah looga Ganacsado ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

Qaab ganacsigaan oo aan xiliyadii hore la aqoon ayaa ay hada ku soo batay Magaalada, waxa ayna iskugu jiraan dadka ku howlan arintaan Rag iyo dumar kuwaas oo adeegsadaan xeelado kala duwan ay ku xadaan xoolaha Nool gaar ahaan Ariga iyo Idaha.

xoola dhaqta Magaalada ayaana qayla dhaan xoogan ka soo saaray tuugadaan sida xatooyada ah uga gamacsanayo Ariga, gaar ahaan kuwooda dhaqaalka ah ee la qali karo ama gadmayo.

Kooxdaan oo wata Gawaari iyo Mootooyin ayaa ubaxa melaha duurka ah ee Ariga loo raacdo, goobahaas oo loo bixyay wadooyin waa wayn oo ay isticmaali karaan Mootinka loo yaqaan Baajaajta iyo gawaarida yaryar.

Suuqa ugu wayna ee lagu kala iibsado Ariga ayaa waxaa soo buux dhaafshay dad ay ka maqan yihiin xoolo Nool, halka markii hore aan wax shaki ah laga qabi jirin suuqyada magaalada.

Hooyo ka mid ah dadka ku dhaqan Suuqa Ariga ee ku yaala wadada warshadaha ayaa noo xaqiijisay in subaxii la keeno xoolo la soo qalay kuwaas oo aan lahayn Madaxa iyo Maqaarka iyaga oo ku iibiya kawaanka suuqa, halka markii hore suuqa lagu qali jiray, taas ayaana dhalisay in dadka ku dhaqan suuqa ay ka shakiyaan xalaalnimada xoolahaas.

“Suuqa waxaa la keenaa subixii hore xoolo yaryar oo la soo qalay, ma laha wax calaamad muujinaya waxa uu ahaa, haa malaha Madax iyo maqaar toona” ayay tiri.

maamadaan ayaa sii raacisay hadalkeeda in aynaan garanayn dadka suuqa keena “Mana qaan waxa ay yihiin dhalin yaro ayay ubaan yihiin rag iyo dumarba leh, Gawaari iyo mootin ayay wataan dadka waa ka shakisan yihiin Xalaal ahaanshahooda”

ugu danbayn kale waxaa jira suuqyo kale oo khaas ah kuwaas loo iib geeyo Xoolaha la la soo xado kuwaas oo ka baxsan xaafadihii laga lahaa, oo aan si rasmi ah loo ogayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here