Wararka ka imaanaya Magaalada Garawe ayaa sheegaya in Wasiirkii Deegaanka iyo is bedelada Cimilada Maamulka Puntland Cali C/llaahi Warsame uu ugudbiyay Hogaamiyaha Maamulkaas waraaqada istiqaalada isaga oo iska Casilay xilkii Wasiirnimo ee uu ka haayay Puntland.

Wasiirka ayaa usabeeyay Is casilaadiisa khilaaf hareeyay in howlihii Wasaaraddiisa oo uu ku sheegay in Madaxtooyada u weecisay hey’ad gaar ah oo dano dhaqaale laga leeyahay sida uu hadalka udhigay.

Warsame ayaa Cod dheer ku sheegay in Madaxweynaha Puntland uu ku fashilmay guud ahaan himilooyinkii dadwaynaha reer Puntland, isla markaana uu burbur dhaqaale, mid amni uhorseeday.

Ugu danbayn waxa uu sheegay in Madaxwaynbe Gaas in burbur baaxad leh uu saameeyay hey’adihii dastuuriga ahaa, isagoo Sheegay in hey’ado gaar ah la hoos geeyay Xafiiska Madaxweynaha, isla markaana meeshalaga saaray wasaaradii ku shaqada lahayn uuna jiro musuq maasuq baahsan.

“Kadib markii waajibaadkii iyo shaqadii ay Wasaaradda Deegaanka ” Isbedelka Cimiladu u haysay dalka iyo dadka lagu wareejiyey Hay’ad si gaar ah Madaxtooyada Puntland u naas-nuujiso, sidaasna loo sameeyey si mashaariicda dano shaqsiyeed iyo musuqmaasuq loogu dabaqo”ayuu yiri Cali.

Dhawaanayay ahayd markii ay dowlada Jarmalka Joojisay Mashruuc ayka hirgalainaysay DeegaanadaMaamulka Puntland iyada oolkueedeeysay in xatooyo iyo musuqmaasuq lagu sameeyay shaqada.