Soomaaliya ayaa la sheegay iney buuxisay dhammaan 27-ki shuruudood oo uu Sanduuqa Caalamiga ah ee Lacagta Adduunka (IMF) uu ku xidhay iney buuxiso si deymaha lagu leeyahay looga cafiyo.

Wasiirka Maalilyadda ee Soomaaliya, Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo BBC-da uga warramay kulamo ay maalmahan iyaga iyo IMF ku lahaayeen magaalada Nairobi, waxa uu sheegay in kulanka uu socday Toddoba maalmood.

Kulankana uu yahay mid seddexdi biloodba la qabto laguna qiimeeyo muddadaasi waxa u qabsoomay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

IMF-tu waxaa ay noo sheegtay ayuu yiri iney Soomaaliya wax badan u qabsoomeen beesha caalamkana ay aad u soo dhaweynayaan loona baahan yahay iney Soomaaliya geeddiga sii wado.

Sida aynu ogsoonnahay lacagtu waxay ka mid tahay astaanta dowladnimo ee lagu garto qaran kasta oo jira oo xor ah.

Dowladda Soomaaliyana waxay dadaal ugu jirtaa sidii dhawaan loo soo daabici lahaa lacagta cusub oo uu dalku yeelanayo, iyada oo ay horay wasaaradda Maaliyaddu u shaacisay lacagtu nooca ay noqoneyso.

Wasiirka Maalilyadda ee Soomaaliya, Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle mar uu arrintan ka hadlayey ayaa wuxuu sheegay “iney IMF isku afgarteen isla-markaana ay isla-meel dhigeen sidi ay isaga kaashan lahaayeen balse loo baahan yahay lacagti lagu soo daabici lahaa lacagta cusub oo muddo 3o sano kaddib uu yeelanayo dalku.”

Daabacadda, maamulidda, meel geyenta, xafididda iyo marka ay xumaatana hagaajinteeda waxay u baahan tahay ayuu yiri lacag, lacagtaas oo aan beesha caalamka ka sugeyno. Daabacadda oo keli ah waxay u baahan tahay 41 milyan oo doolar.

Waxaanna rajeeyneynaa ayuu yiri “lacagtaasi iney Soomaaliya ka heli doonta beesha caalamka”

Musuqmaasuqa oo aan la tirtirin sideey arrimahan u suuragalayaan?

Run ahaantii musuqmaasuq kama jiro dalka Soomaaliya ma dhihi karno oo waa uu jiraa balse waxaa loo baahan yahay ineynu dib u milicsanno “halka aan ka nimid iyo halka aan mareyno”.

Dadaallada ay dowladdu waddo oo ay ku cirib tieyso musuqmaasuqana waxaa loo baahan yahay iney bulshada oo dhan ay ka qayb qaadato.

Qof walba oo Soomaali ahna uu ka shaqeeyo sidi uu xalaal miirad uu u noqon lahaa haddeey ahaan lahayd Ganacsato, Mas’uul iyo Shaqaalo dawladeed intaba.

Waxa ay Soomaalida u taqaanno ‘howl fududeyn’ oo ah musuqa ugu ballaadhan ee Soomaaliya ka jira sidi aan u baab’in laheen waa iney cid walba kaalinteeda ka qaadataa.

Dowladdu dadaallada ay ku tirtireyso oo aad u badan waxaa ka mid ah iney mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iney xilka kaga qaadday qaarkoodna ay sharcigaba hor geeysay.

laakiin waxaan jecelahay inaan halka ka sheego iney dowlad keligeed wax qaban karin haddi ay shacabka dawladda dadaalkeeda ku garab gelin.

Deymihi Soomaaliya lagu lahaa cafintooda halkeey marayaan?

Soomaaliya sida aan Ogsoonnahay waxaa lagu leeyahay deymo badan si deymahaasi faraha badan looga cafiyana waxaa jiro shuruudo looga baahanyahay iney buuxiso dowladihi iyo hay’adihi deymaha ku lahaa laftooda iney waafaqaan qorshaha aan damacsannahay.

Ka dowlad ahaan Madaxweynaha iyo Ra’isal wasaarahaba dowlado iyo hay’do badan ayay arrinta deynta kala hadleen ballan qaadyana Soomaaliya wey haysataa marka waxaan rajeeynayaa iney wax badan inoo qabsoomi doonaa.