Dhawaanahaan ayaa waxaa dalka ku soo badanayay ganacsiga Caanaha iyada oo shantii sano ee la soo dhaafay ay soo baxeen shirkado ka ganacsada Caanaha Xoolaha qaybahooda kala duwan.

waxaana ka mid ah shirkada Som Milk oo Lo’ laga keenay dalka Holland taas oo haatan lagu xanaaneeyaa duleedka Magaalada Muqdisho iyada oo maalintii laga liso caano fara badan kuwaas oo loo iib geeyo suuqayada Muqdisho iyada oo Maalinti laga lisaa ilaa 500 litir .

C/laahi Cabdiraxiim oo ka mid ah maamulka Shirkaddan Lo’da keentay ayaa Idaacada Goobjoog oo ku taala Muqdisho usheegay sababta ku dhalisay in ay lo’ dibada ka soo iibsadaan xili ay dalka Joogaan Lo’ fara badan.

“Kadib markii aan ogaanay baahida loo qabo Caanaha Lo’da ee ka jirta dalka, hadana dadkaasi waxaa ay kaga baqayaan Caanaha Lo’da in ay qabto cudurro, Lo’daan waxaa ay kaga duwantahay Lo’da dalka joogta Lo’daan waa mid caafimaadkeeda laga shaqeeyay waxaa ay leedahay dhaqaatiir xaaladaheeda si gooni ahna ula socda”.

Dadka ka faaloodaa Arimaha Dhaqaalaha ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado inta qarasha lagalin lahaa lo’ dibada laga keeno ay ka muhiimsaneed in la daryeelo oo daawayn iyo nafaqayn loo sameeyo lo’ da dalka maadaama ay tahay dhaqan iyo dhaqaalo soo jireen qaybna kanoqon doonto taariikh xumada shakhsiyaadka iyo shirkadaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here