Ha’ada Lacagta Aduunka IMF ayaa sheegtay in Dowlada Soomaaliya ay ugudubtay wajiga sadexaad ee Cafinta Daynta kaga daal Saraakiil ka socota hey’adda oo soo garayt Bariga Africa.

Saraakiisha IMF uu hoggaaminayo Maxamed  H. Elhage ayaa soo gabagabeeyey Safar uu ku yimaadeen magaalada Nairobi 15 ilaa 20 bishaan aanu ku jirno  iyaga oo ukuur galay Barnaamijka SMP ee ay wado Wasaarada Maaliyada Xukuumada Fedaraalka ah ee Soomaaliya.

Wafdigaan ayaa sheegay in ay soomaaliya ku tilaabsatay hrmar dhanka dhaqaalaha ah oo xoogan iyada oo aty jiraan daruuf adag oo dhan kasta ah

“Soomaaliya-iyada oo ay ku jirto xilli adag dhanka kaabayaasha dhaqaale iyo siyaasadda waxaa ay ku socotaa sidii laga rabay arrimaha dejinta siyaado iyo hirgelinta dhaqaalaha” ayuu yiri Maxamed  H. Elhage .

sidoo kale Elhage  ayaa sheegay in dowlada ay ka soo gudubtay laba waji oo horay loogu xujeeyay si looga qafifiyo ama looga Cafiyo daynta lagu lee yahay dalka oo gaaraysa 5 bvilyan ““Xukuumadda federaalka ah waxaa ay dhameysay 2 weji oo barnaamijka SMP ah , kaas oo midkiiba qaatay 12 bil, May 2016 iyo  June 20 sanadkan”.

 

Ha’ada lacagta Aduunka ayaa bogaadsay wasaarada Maaliya Xukuumada Fedaraalka ah ee Soomaaliya waxa ayna u ogalaatay in ay bilaawdo wajiga sadexaad ee ugu danbeeyay Cafinta iyo qafiifinta Daynta oo la sii daba dhigay inay ka mid noqoto barnaamijka deymaha ee la siiyo dalalka ay ka jiraan dhaqaalo darida Xoogan.