FaafintaRasmiga ee Dalka Turkiga ayaa baahisay wax ka badal lagu sameeyay shuruuradaha lagu heli karo dhalasho Turki ah, Sharciga helitaanka dhalosho Turki ah ayaa la fududeeyay iyada oo lagu sameeyay wax ka badal baaxad leh, gaar ahaan shaciyada quseeyay iibsashada hantida, hawlgalka, maalgashiga iyo dhigaalka bangiyada.

Sida uu dhigayo sharciga cusub, shisheeye wuxuu heli karaa jinsiyadda Turkiga haddii uu iibsado hanti ka badan $ 250,000 halka uu marki hore ka ahaa $ 1 malyuun, sidoo kale sharciga ayaa qeexaya in muwaadinkaasi uusan mudo 3 sano ah sii iibin karin.

Sidoo kale waxaa hoos u dhigid lagu sameeyay lacagaha bangiyada la dhigto si aad u hesho dhalasho, taas oo qiiimaheedii hore ahaa 3 milyan, hadana laga dhigay 500,000 oo doolar.

Maalgashi mashaariicda gudaha,mashruucaas oo fursad shaqo siinaya 50 qof oo muwaadiniin turki ah, halka markii hore ka ahaa 100 qof in uu shaqaalaysiiyo.

Dhamaan Ajaanibta shuruudahaas dhaqan galiya waxa ay dalbana karaan muwaadinnimada turkiga. Waxaa codsiyadooda loo gudbin doonaan wakiilo ka kala socda wasaaradda Arrimaha Gudaha, Hantidhowraha, Wasaaradda Maaliyadda, Deegaanka, Horumarinta Magaalooyinka, Shaqaalaha, Adeegyada Bulshada iyo Adeegyada Qoyska, Warshadaha iyo Tknolojiyada ayaa samayn doona qiimayn dhiraandhirin la xariirta codsiga.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in la samayn doono oo laga codsan karo muwaadinnimada Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here