Nin ayaa baabuur dad ku jiirsiiyay fagaare ku yaalla koonfurta Shiinaha, waxaana dhacdadaasi ku dhintay ugu yaaraan 9 qof halka 43 qof ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegayaan saraakiil ka tirsan dowladda hoose.

Waxayna arrinatani ka dhacday fagaaraha magaalada Hengyang ee gobolka Hunan.

Waxaana la sheegay ninka dadka jiirsiiyay baabuurka uu ahaa darawal horraan dambiyo badan u gaystay.

Saraakiishaa aggaasi ayaa sheegay in xabsiga loo taxaabay ninkaasi.

Dadka ku dhaawacmay dhacdada ayaa loo qaaday isbitaallada deegaanka.

Saraakiisha dowladda hoose ee ku sugan koonfurta Shiinaha waxay ku tilmaameen dhacdadan mid si ula kac ah loo gaystay islamarkaasna looga gollahaa in shacabka lagu waxyeelleeyo.

Muuqaal baraha bulshada lasoo geliyay ayaa muujinaya dadka oo ka cararaya goobta.