S/G Daahir Aadan Cilmi indha-Qarshe taliyihii hore ee Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed oo waraysi siiyey idaacada VOA ayaa ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu xilka hayay. Indha-Qarshe waxa uu sheegay in ay sameeyeen ciidamo gacanta ku hayn kara dhulka laga qabsado Alshabaab, sidoo kale waxa uu tilmaamey in ay isbedel ku sameeyeen qaab-dhismeedka ciidamada, waxa uu tilmaamey in ay saxeen tirada ciidamada maantana la ogyahay askari kasta iyo meesha uu ka tirsan yahay.

Indha-Qarshe ayaa Siyaasiyiinta uu ka mid yahay Madaxwaynaha, Raysal wasaaraha iyo Wasiirka Gaashaandhiga kula taliyey in wakhti la siiyo Taliyaha cusub Gen Odawaa ee isaga lagu badalay

” Odawaa waa inan yar, waqtigiisa haysta, mudo soo dagaalamay, ciidamadana aad u kala yaqaan, waxaan ku talinayaa in waqti la siiyo si loo helo wax lagula xisaabtamo” ayuu yiri S/G Indha-Qarshe.

Ugu danbayn wuxuu sheegay in labo sano iyo bar Ciidanka Xooga loo magacaabo 5 taliye ay tahay hal tilaabo horay u soco labo tilaabo dib u noqo taasina aysan dalka Anfacayn Ciidankana lagu dhisi karin oo ay ku wanaagsantahay in taliyaha wakhti la siiyo isla markaana lagula xisaabtamo .