Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada Midowga Afrika ayaa waxay Axadii si buuxdo ula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Buurweyn ee Gobolka Hiiraan.

Deegaanka Buurweyn oo qiyaastii 25km dhinaca koonfureed kaga beegan Degmada Buulo Burde ayaa waxaa la sheegay inay Shabaabka ku qaadi jireen lacago canshuuro ah.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada Nabad Ilaalinta Amisom ayaa waxaa la sheegay inay si nabdoon kula wareegeen deegaankaasi, ka dib markii ay isaga baxeen maleeshiyada Al Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Degmada Buulo Burde, Dhame Cabdi Maxamed Sheekh Xasan ayaa sheegay howlgalka lagu qabtay deegaanka Buurweyn inuu qayb ka yahay howlgalada Shabaabka looga saarayo deegaanada hoos-yimaada Degmada Buulo Burde.

Taliyaha oo ku sugan deegaanka Buurweyn ayaa intaa ku daray inay iminka qorsheynayaan saldhig ciidan oo ay ka samaystaan deegaankaasi, oo ku yaala meel aad muhiim ugu ah suggida amniga Degmada Buulo Burde.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii Taliska Amisom ee Gobolka Hiiraan iyo Maamulka Gobolkaasi ay iclaamiyeen inay bilaaban doonaan howlgalada Shabaabka looga saarayo Gobolka Hiiraan.