Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somaliya, Cali Maxamed Geedi ayaa waxa uu ka hadlay warar ay dadka isla dhex marayaan, oo ku aadan in Madaxda Dowladda Somaliya ay qorsheynayan muddo kororsi.

Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay in ay shacabka Soomaaliyeed u baahan yihiin in ay madaxdooda doortaan, oo aanay doonayn in muddo kororsi sameeyan madaxda iminka joogta.

Cali Maxamed Geedi oo arrimahan ka hadlayay ayaa yiri “Doorashada soo socota noocee ayay noqonaysaa? Qof iyo cod, maya ee nooc kale. Meelo badanaa lagula wareegaya, goobaha lagu qaxweeyo dalka gudahiisa iyo dibadiisaba, xafiisyada ama xarumaha waxbarashada waxaa la’isweydiinaya war maxaa dhici doona?

“Waxaa loo baahan yahay muddo kororsi soo maaha waxa suuqa yaala, meel walba yaala? Muddo kororsi uma baahna umadaani, madax ay dooratee u baahan tahay umadaani.”

“Ciddii ku riyooneysa muddo kororsi waxaan aaminsanahay inaanu soconayn. Dowladda xukunka haysa waxaa laga rabaa inay keento doorasho umadda ay doorato madaxdeyda. Soo sidaa maaha mise lama rabo?

“Baarlamaanka labadiisa aqal Xildhibaanaa fadhiya, waxay ka shaqaynayan waxaan rabnaa inay noqdaan wax xaqiiqo ah, ee ka tarjuma rabitaanka umadda iyo masiirka Qaranka Soomaaliyeed.

“Xantu waa badan tahay Baarlamaanka xitaa waxay iska rabaan, qaaraa rajeynayn inay soo noqdaan, waxay ku leeyihiin waxay ugu fiican tahay muddo kororsiga, laba sano oo aan isaga darsano. Shacabka Soomaaliyeed yeeli maayo, dastuurkuna uma yaalo Baarlamaanka keliya.”

Sanadka soo socda ee 2020 ayaa waxaa lagu wadaa in dalka ay ka dhacdo Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka.