Dhammaanteen waan maqalnay ama daawannay filimaanta ay waday Superhero ee dadka badan badbaadiya, laakiin waxaan u qaadannaa iney yihiin shaqsiyaad khiyaali ah oo gacan ku sameys ah oo waxa ka dhex guuxaya qofka filim soo saaraha ah ama alifaaga oo qura u sameeyay, qof ka mid ah Superhero-gaas weli kuma aanan riyoon inaan nolosheenna caadiga ah ku arki karno.

Laakiin, Dalka Australia waxaa ku dhaqan Superhero dhab ah, Disney ma aaney sameyn, Hollowoodna kama tirsana, Waa James Harison, ma rumeysan kartid marka aad maqashid  waxa uu badbaadiyay labo milyan iyo bar caruur ah oo ay suurtaggal ahayd inaaney arkin nuurka adduunka oo aaney dhalan, caruurtaa waxa uu ugu tabarucay dhiiggiisa naadirka ah ee adduunyada in meelo kale laga helaa ay adag tahay.

Halkaan Ka daawo Warbixin ka hadlaysa