Diyaarad ay leedahay shirkadda Ethiopia Airline oo ku wajahneyd magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa burburtay waxaana ka soo baxaya warar dheeraad ah.

Diyaaradda ayaa ka duushay magaalada Addis Ababa ee xarunta Ethiopia, waxaana la sheegayaa inay dhinteen rakaab badan oo diyaaradaasi saarnaa.

Nooca diyaaradda Ethiopian Airline ee burburtay ayaa la sheegay inay aheyd  Boeing 737 , waxaana saarnaa rakaab gaaraya 157 qof, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Ethiopia.

Ra’iisal wasaaraha Ethiopia , ayaa looga hadlay qoraal ka soo baxay xafiiskiisa ugu tacsiyeey ehelada dadkii ku waayay kuwii ay jeclaayeen.

Lix daqiiqo kadib markii diyaaradda ay ka duushay garoonka Bole International ee magaalada Addis Ababa ayaa la sheegay inay burburtay.