Xaflad si heer sare loo soo agaasimay aadna u weyn ayaa loo dhigay haweenay 116 sano jir ah taas oo noqotay qofka ugu da’da weyn caalamka.

Hay’adda Guinness World Records ee diiwaan gelisa dhacdooyinka Dunida ah ayaa si rasmi ah ugu aqoonsatay Kane Tanaka qofka ugu da’da weyn dunida.

Waxaa ka soo qeybgalay xafladda dhammaan xubnaha qoyskeeda iyo duqa magaalada Fukuoka.

Ms Kane ayaa dhalatay  2-dii bishii Janaayo ee sannadkii 1903-dii. Waxay ahayd qofka toddobaad ee qoyskooda iyadoo guursatay Hideo Tanaka sannadkii 1922-kii.

Wakaalada wararka ee AP ayaa tilmaamtay in Kane jeceshahay barashada xisaabta laakiin waxaa laga doonayaa inay jabiso rikoor u yaalla haweenay Faransiis ahayd oo nooleyd muddo 122 sanno ah sida laga soo xigtay Guinness World Records.

Dadka reer Jabaan ayaa hoggaanka u haya dadka gaara da’da fog ee caalamka oo dhan lamana ogga sababta arrintaasi.