Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni, ayaa sheegay in ciidamada dalkiisa ka gaysta kufsiga iyo dhibaataynta hablaha reer ugando ay si xun uciqaabi doonaa.

waxa uu sidoo kale usoo bandhigay waxa uu ku tilmaamay fursad oo ah in la gayn doono meel looga baahan yahay kufsiga, garaacida iyo wax kasta oo xun ee loo gaysta haweenka.

“Askari in uu dumar dharbaaxo ama ku qayliyo qof reer Uganda ah waa wax aan laga aqbali karin, waana gafweyn oo Bulshadda ceeb ku ah, Askarta aan la heyn Asluubta wanaagsan oo aan bulshadda la dhaqmi karin, waxaan u direynaa Soomaaliya oo ah meesha dhaqan xumadda siddaan oo kale ah looga baahan yahay, Haddii aad careysan tahay waxaad i weydiisan kartaa dal ku galka Soomaaliya , Maxaa yeelay halkaasi ayaa looga baahan yahay Gardarada.” Ayuu yiri Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni