Waxaa xalay abaaro 11-kii habeenimo xiliga Muqdisho qarax si xoogan looga maqlay qeybo badan oo magaalada kamid ah ka dhax dhacay guri kuyaala Degmada Howl Wadaag ee gobolka Banaadir.

Sida aan Wararka ku helnay qaraxa ayaa ka dhax dhacay guri kuyaala agagaarka Hotelka Peace oo ku dhaw wadada Warshadaha, waxaana qaraxa la sheegay in uu ahaa mid guriga lagu dhax farsameenayay.

Ciidamada amaanka dalka ayaa si deg deg ah u gaaray guriga uu qaraxu ka dhacay, waxaana ciidamada halkaasi ka xireen shan nin oo labo kamid ah la sheegay in ay degnaayeen guriga uu qaraxa ka dhacay .

ilaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxan caawa ka dhacay guriga kuyaala degmada Howlwadaag, waxaana la sheegay in guriga uu qaraxu ka dhacay uu soo gaaray bur bur xoogan.