Gabadha trump ku noqotay laf dhuun gashay ee ka midka ah aqalka wakiilada Baarlamaanka Mareykanka  Ilhaan Cumar ayaa tagtay Magaalada Asmara ee caasimadda Eritrea.

Ilhaan waxaa safarkeeda ku wehliyay labo ka mid ah XIldhibaannada ku jira aqalka hoose ee dalkaas.

Xildhibaannadan ayaa ka soo jeeda Qaaradda Afrika waxaana ay ku jiraan Guddiga arrimaha dibadda ee Baarlamaanka Mareykanka.

Waxaa ay ahayd markii ugu horreysay oo ay 14 sano kaddib wakiillo ka socda aqlka Congress ee Mareykanka booqdaan dalka Eritrea.