Hillary Clinton ayaa meesha ka saartay in ay markale isu soo sharaxayso xilka madaxweynenimada Maraykanka sannadka 2020-ka.

“Ma tartamayo, balse si joogto ah ayaan uga hadli doonaa waxyaabaha aan aaminsanahay” ayay tiri Clinton oo waraysi siisay taleefishinka News 12.

Haweenayday oo horey u ahayd xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa aad loo filayay in ay noqoto madaxweynihii koowaad oo Maraykan ah oo dumar ah, balse waxaa ka guuleystay Donald Trump.

Waxa ay sheegtay in ay xiriir la samaysay musharixiinta isu soo taagay xilka madaxweynenimada ee xisbiga dimoqoraadiga, una sheegtay in aysan sahlanin waxa horyaala.

Waxa ay marar aad u badan weerar afka ah kala kulantay madaxweyne Trump, kaas oo ololahiisa ku saabsanaa weerar shaqsiyadeed.

Xisbigeeda Dimoqoraadiga ayaa hadda waxaa iska soo sharaxay tartamayaal badan. Waxaana ka mid ah ninkii ay isreereebka ka guuleysatay Bernie Sanders.