Rag la sheegay inay dilalka qorsheysan u qaabilsanaayeen Al-shabaab laamaha Amniguna muqdisho ay ku soo bandhigeen oo ka sheekeynaya dilalkii ay fuliyeen iyo sida lagusoo qabtay

Rag la sheegay inay dilalka qorsheysan u qaabilsanaayeen Al-shabaab laamaha Amniguna muqdisho ay ku soo bandhigeen oo ka sheekeynaya dilalkii ay fuliyeen iyo sida lagusoo qabtay https://youtu.be/yiLpqMH3sjw

Posted by Dalsan TV on Sunday, March 3, 2019

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku soo dhigay koox ka tirsan Al-Shabaab ee dilalka ka fulin jirtay degmooyinka Dharkeenley iyo Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Kooxdan oo ahaa saddex dhalinyaro ayaa xalay lagu soo bandhigay Saldhigga degmada Wadajir, waxaana la sheegay in kooxdan la soo qabtay, xilli ay doonayeen inay toogtaan Haweeney qaad iibineysay oo ka mid aheyd ergooyinkii soo doortay Xildhibaanada Hirshabeelle.