Maamulka Puntland ayaa ku amaray kalluumaysatada magaalada Boosaaso inay muddo kaga guuraan xaruntii hore ee Kaydka Kalluunka Boosaaso ee NECFISH, taasi oo ku dhegan xarunta wasaaradda kalluumaysiga Puntland.

Wasiirka Kaluumaysiga iyo kheyraadka bada Puntland Faarax Maxamed Cawaash iyo Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Je. Muxiidiin Axmed Muuse maamulka gobolka iyo kan degmada ayaa waxaa ay  amar ku bixiyeen in laga bilaabo 5ta bisha sadaxaad la xiro  Suuqa kaluunka ee magaalada Bosaaso, iyadoo laga duulayo amniga dekeda Bosaaso.