Waxaa gabagabo maraya magacaabista wakiil xoghaya guud ee qaramada moobay uqaaabilsan soomaaaliya sida uu sheegay xoghaya Antonio Guterres oo ku soo wajahan Magaaladda Addis Abba uu uga qayb gali doono shirka Madaxda Africa kaasi oo looga hadlaaayo arrimaha mudnaanta leh ee Qaaradda.

Ka hor inta uusan kasoo tagin Magaaladda saldhigga u ah ee New York ayaa Guterres oo wareysi siiyay VOA waxaa uu ka hadlay arrimo ku saabsan Soomaaliya oo Biloowgii sanadkaan erisay Wakiilkiisii Muqdisho u fadhiyay.

Waxaa uu sheegay in kulan ay Madaxda Dowladda la yeesheen wakiilkiisa dhinaca siyaasadda ay soo baxeen qodobo dhaxal gal ahwaxaa uuna hadalkiisa ku daray in uu dhawaan soo magacaabi doono wakiilka Cusub ee hogaaminaya Howlgalka Qaramadda midoobay.

“Xiriir cusub ayaa noo bilaaban doona” ayuu yiri Wakiilka QM.

“Waxaan dooneeynaa in aan helo Soomaaliya oo ka adkaatay dhibaatooyinka ay la tacaaleeyso, waxaa jira horumarro ay Soomaaliya ku talaabsatay oo aan ka xusi karo dib u habeeynta dhaqaalaha oo si dhab ah horumar looga sameeyay, waxaana rijeyneynaa in la xaliyo muskiladda Deynta” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay.

Antonio Guterres ayaa waxaa uu sheegay in QM ay Dowladda Soomaaliya iyo howlgalka Midowga Africa ka taageereeyso dagaalka ka dhan ah Al-shabaab iyo dadaaladda dib u habeynta ee dalka.

Guterres waxaa uu Magaaladda Addis Ababa kula kulmi doonaa dhinacyadda ay quseyso Xaaladda Soomaaliya ee ka qayb galaya shirka Midowga Africa.

1dii January ayaa Dowladda Soomaaliya waxay ku dhawaaqday in aan dalka laga rabin Nicholas Haysom oo ahaa Wakiilkii Xoghayaha guud ee Soomaaliya.