Waxaa malmihii ugu danbeeyay baraha bulshada iyo qaar ka mid ah warbaahinta gaarka loo leeyahay si wayn looga hadal haayay shirka ka furmaya khamiista Magaalada London ee dalka ingriiska oo dadka qaar ay ku sheegeen mid lagu xaraashayo shidaalka Soomaaliya.

dadka ka hadlayay ayaa ubadnaasiyaasiyiin mucaarad oo isugu jira Xildhibaano iyo xubno kale oo ka tirsan xisbiyada mucaaradka.

sidoo kale waxaa jiro dad kale oo ka hadlay arintaas oo aan ka mid ahayn siyaasiyiinta mucaaradka balsa wali ka shakisan warna ka sugaya Madaxda Dowlada.

Wariye Cabdulaahi Nuur Maxamed oo horay uga tirsanaa Radio Muqdisho snadihii 70-burburkii 91 ayaa qoraal uu batiisa soo galiyay waxa uu madaxda ka dalbaday in ay dadka la wadaagaan oo shakiga iyo dadka soomaaliyeed laga saaro wuxuuna yiri.

Soomaalidu waxa ay tiraahdaa Nin gunti xumi ama hulaaban inuu wax qarsanayaa la moodaa.

Waxaan hadalkan usoo qaatay maalmahii la soo dhaafey aqoonyahano soomaaliyeed,qorayaal iyo falanqeeyayaal arimaha soomaaliya lafa gura ayaa aad uga hadlayey shirka maalinta khamiista ah oo ku beegan 7-da bishan February ee Sannadkan 2019-ka magaalada London ee dalka Ingiriiska ka dhacaya, kaas oo looga hadlayo Shidaalka Soomaaliya.

Badi dadka arimahan wax ka qoray ama ka hadlay warbaahinta waxa ay muujinayeen walaac ay ka qabaan waxa socda iyo in khayraadka dalka gaar ahaan shidaalka ku jira soomaaliya shirkado shisheeye ay boobayaan iyadoo shacbiga aan loo faah faahin arimahan mugdiga uu hareeyey.

Haddaba sow ma habooneyn maadaama arintan ay xasaasi tahay in Madaxweyne Farmaajo ama Ra’iisal wasaare Khayre ay ummadda la hadlaan oo u faah faahiyaan ujeedada shirkan iyo waxa uu ku saabsan yahay si aan caad saarneyna u bidhaamiyaan biyo dhaca shirkan.

AAMUSKA MADAXDU SHAKIGA SHIRKA HAREEYEY AYUU SII BADINAYAA EE HA SOO BAXAAN OO SHACBIGA HALA HADLAAN.