Wararka ka imanaya gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in qarax miino goor dhow lagu dilay Abaanduulaha qeybta 12-ka April ee ciidanka xoogga dalka Col. C/salaan Aadan Kurjow.

Qaraxa oo ahaa Miinada nooca dhulka lagu aado ayaa qabsaday gaari Ciidan uu uu saarnaa Abaanduulka, isagoo xiligaasi ka sii baxayay lagula eegtay agagaarka deegaanka Dhanaane ee koofurta Muqdisho, gaar ahaan dhanka wadada Xeebta.

Sidoo kale taliyaha waxaa la geeriyooday Sarkaal kale oo lagu magacaabo Col. C/raxmaan Jimcaale Muuse oo ahaa Madaxa Maaliyadda ee Guutada 1aad Ciidanka xoogga dalka, kaasoola saarnaa gaariga, waxaana meydkooda la keenay Isbitaalka Xoogga ee degmada Hodan.

Gudoomiye Kuxigeenka gobolka Sh/Hoose C/fitaax Xaaji Cabdulle ayaa xaqiijiyay geerida labada Sarkaal, wuxuuna sheegay iney wadaan howlgalo lagu baariyo sida weerarka uu u dhacay, Isagoo ku eedeeyay Shabaab mas’uuliyada weerarka.

6-dii bishii 12-aad sanadii hore ee 2018 ayay eheyd markii Shabaab ay isla deegaankan Dhanaane ay qarax ku dileen Taliyihii qeybta 12-ka April ee ciidanka xoogga dalka Jen. Cumar Aadan Dhabad (Cumar Dheere) iyo Abaanduulaha qeybta 12-ka Jen. Cabdi Cali Jamaame iyo illaa 7 askari oo kale.

Abaanduul Jen. Cabdi Cali Jamaame geeridiisa kadib, waxaa xilkiisa loo magacaabay Col C/salaan Aadan Kurjow, kaasoo ay Shabaab isagana dileen maanta, iyadoo dilkii hore ay ka soo wareegatay mudo laba bilood ah.

Taliyayaashan oo howlo muhiim ah u hayay Guuryada ay hoggaaminayaan oo qaabilsan Banaadir iyo Shabeellaha Hose, waxaana howlgalo ka dhan ah Shabaab ka wadaan duurka Sh/Hoose, gaar ahaan wadada xeebta ee isku xirta Muqdisho iyo Marka, waxaana la sheegaa in saraakiisha hoggaamineysa howlgalka aysan heysan baabuurta casriga, sida kuwa gaashaaman ee aan xabada karin.

Laba Jnaraal oo lagu dilay Shabellaha dhexe oo ay qoysaskooda ka canayaan xuquuq la’aan xili mushaaraadkoodii ay ku jiraan Accoun-ka ay Wasaarada usamaysay warbixin la xiriirta