Ciyaariyahan xulka ku bada cagta dalka qatar ee asal ahaan ka soo jeeda dalka ciraaq ayaa lugtiisa ku reebay dalka uu asal ahaan ka soo jeedo ee ciraaq.

Bassam Al-Rawi ayaa lugtiisa uga reebay Ciraaq ka gadaal gool aad uqurux badan oo ahaa mid Freekick ah ama laad xur ah, kaas oo ka caawiyay qatar in ay usoo baxaan tartanka AFC Asian Cup 2019 qaybtiisa afar dhamadkiisa.

Magaciisa dhabta ah waa Bassam Hisham Ali Al-Rawi waa ciraaqi ka mid ah xidigaha ugu caansan ku badada cagta dalalka ciraaq iyo qatar, waxa uu ka dheelaa qaybta daafaca.

Arinta cajiibka ah ayaa ah in aabihii uu horay uga soo ciyaaray xulka ciraaq, waxaana si wayn loogu jeex jeexayaa baraha bulshada dhacdadaan ugubka ah.