Faransiiska ayaa u yeeray safiirka Talyaaniga u fadhiya dalkaasi kaddib markii ra’iisul wasaare ku-xigeenka Talyaaniga uu ku eedeeyay Faransiiska inuu ka faa’ideysanayo kheyraadka Afrika isla markaasna uu horseeday qulqulka muhaajiriinta.

Axaddii,Luigi di Maio ayaa ugu baaqay Midowga Yurub inay cunaqabatayno kusoo roggaan Faransiiska.

Wuxuu sheegay in ‘Faransiiska uusan joojin guumeysiga lagu hayo tobbonaan kamid ah dalalka Afrika’.

Faransiiska ayaa dhaleeceyay tallaabada Talyaaniga uu ku diiday in markab siday muhaajiriin uu ku xirto deked ku taalla dalkaasi halka saraakiisha Talyaaniga ay ku eedeeyeen Faransiiska inuu diiday inuu qaabilo dadka soo galootiga ah.