Nabadoon Axmed  Cali oo loo yaqaano (Axmeey) oo la sheegay in uu kana mid ahaa ergooyinkii soo xulay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa haatan lagu la’yahay deegaanka Luuqjeelow oo ay maamulaan dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.

Warar qaar ayaa sheegaya in Nadoonka isaga uu lugihiisa ugu tagay alshabaab, isagoo cabasho ah, garsoorna raadinaya, kadibna Shabaabkuna ay aqoonsadeen sidaasina ay ku xireen.

Nabadoonka ayaa utagay alshabaab arimo qoys ka dib muran dhex maray Gabar uu dhalay iyo Seygeeda kuwaas oo alshabaab dacwo udoontay, markaas oo lagu amray in ay u yeeraan aabayaashooda, sidaasna uu nadoonka uu ku gaaray.

Qaar ka mid ah ehelada Nadoonka oo aan la xiriirnay ayaa xaqiijiyay in 72-dii saac ee la soo dhaafay uu ku jiray Gacanta Al-Shabaab, islamarkaana markii ugu war dambeysay inta laga qaaday luuq jeelow.

waxaana loo ,alaynayaa in loo ka xeeyay deegaanka Bu’qaqable oo ay asiga ka arimiyaan kooxda Al-shabaab.