ciidamada cirka Israel ayaa duqaymo la beegsaday saldhigyada ay leeyihiin ciidamada difaaca Iran ee ku sugan dalka Suuriya , weeraradda ayaa loo soo sheegayaa in ay ka dhasheen khasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac sida ay bahisay warbaahinta gudaha Suuriya.

Wakaaladda wararka ee Interfax ayaa sheegtay in  ciidamada Suuriya ay burburiyeen in ka badan 30 gantaal oo ay soo rideen Ciidanka yahhuuda.

duqayntaan ayaa lagu bartilmaameedsaday garoonka diyaaradaha ee Casimada Dimishiq  waxaa ku dhintay afar Askari oo Suuriya ah , iyada oo uu dhaawac soo gaaray lix kale.

“Waxaan bilaabeynaa in aan ku dhufanno bartilmaameedyada Iran ee dhabta ah ee dhulka Suuriya, waxaanu ugu digaynaa Ciidanka Suuriya in ay isku dayaan in ay waxyeello u geystaan ​​ciidamada Israel ” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen militariga israel Saakay.

Ciidamada Qudus  ayaa mas’uul ka ah howlgalladda Iran ee Suuriya, waxaana ay si weyn uga hortaggaan weeraradda Israel ee ku wajahan Suuriya

Iran waa taageeraha ugu weyn ee madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad iyo ciidamadiisa ku sugan dagaalka muddo dheer socday.