Boqolal  qoys oo ah Beeraley kuna tiirsanaa wax soosaarka beeraha ayaa waxaa soo food saartay xaalada aad u adag ka dib markii ay ku dhuftay abaar.

Baarakacaan la soo dersay beeralayda ku tiirsanaayeen wax soosarka beeraha ayaa wax ay ka barakaceen deegaanno hoostaga degmooyinka Bardaale iyo Qansaxdheere oo ka wada tirsan Gobolka Baay, kuwaasi oo maalmihii ugu dambeeyey gaarey degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo.

Axmed nuur cabdulle  oo ka mid ah Guddi ay leeyihiin dadka Barakacayaasha ee deggan duleedka Magaalada Buurdhuubo, ayaa sheegay tan iyo bilowgii bishan January in degmada ay soo gaarayeen Qoysas barakacayaal hor leh oo ka kala yimid degaanno ka kala tirsan gobolka Baay.

Cabadala ayaa sidoo kale  sheegay in  qoysaskaasi oo tiradoodu ay gaareyso ilaa 310 qoys isla markaana ay Qaarkood dejiyeen ilaa 4 xero oo ku yaala degmada.

Ugu danbayn qoysaskani ayaa uga soo barakacay deegannaadooda beerihii ay ku tiirsaneyd noloshooda oo la waayay ka dib roobabkii oo yaraaday awgood, taasi oo keentay in ay nolosho ay ku adkaato kadibna ay maciin bidaan xeryaha Barakacayaasha.