Taaj maxal (Taj Mahal),waa dhisme la yaab leh, hab dhismeedkiisu wacanyahay, ku yaala Agra oo ka mid ah gobolka Uttar Pradesh ee dalka Hindiya.

Dhismaha gurigan Taaj Maxaal ayaa bilowday sanadku markuu ahaa 1630 isagoo la soo gabagabeeyay 1648dii, lacagta ku baxday gurigan ayaa lagu qiyaasay 32 Million oo Rupe una dhiganta $827 Million oo dollarka Maraykanka ah.

Taariikhda sida rasmiga ah loo diiwaan galiyay ee Hindiya waxay sheegaysaa in Hogaamiyihii boqortooyadii Mughal, Shah Jahan uu  u dhisay Taj Mahal, si loogu xasuusto xaaskiisii Arjumand Banu Begum oo caan ku ahayd magaca Mumtaz Mahal.

Mughal-yiinta oo asal ahaan ka yimid bartamaha Aasiya ayaa maamuli jiray inta badan dalalka hadda lakala yiraahdo Hindiya iyo Pakistan qarniyadii 16aad iyo midkii 17aadba.

Waaxda Daraasaadka naqshadaynta ee Hindiya oo ay hoos tagaan raadadkii hore ayaa Taj Mahal ku tilmaamay “Dhismihii ugu wanaagsanaa ee laga dhaxlo Boqortooyadii Mughal.

Dhismahan ayuu ugu talo galay inuu ku muujiyo jacaylka uu uqabay Xaaskiisa iyadoo Injineeradda qaatay qandaraska dhismahan lagu kala magacaabi jiray Ciisaa Shiiraazi iyo Amana allah khan.

Hadaan sharaxaad idin ka siiyo qaabka uu u dhisanyahay dhismahan Dhinac walbo oo gurigan ka mid ah waxaa ku yaal Minaarad isku dheeli tiran joogeeduna yahay37 Mitir ah, mid walbana  waxay leedahay sadex Balakoon.

Qaybta sare ee guriga dhexda waxaa ku yaala qubbada oo ballac ahaan dhan 17 Mitir dherar ahaana lagu qiyaaso 22.5 Mitir,  hoosteeda waxaa ku yaala Qabriga Boqorada dhismahan darteed loo alkumay, waxana sidoo kale u dhow Qabriga Boqorka.

Dhismahan ayaa sidoo kale afarta dhinacba ku leh afar Iridood kuwaas oo ah kuwa aad u qurux badan korna ku leh giraan soo jiidasho leh.

Waxyaabaha sida wayn guriga uga dhexmuuqday ama lagu qurxiyay waxaa ka mid ah farshaxanka Islaamka, taasoo loo aqoonsaday inuu yahay johoradii Islaamka ee Hindiya iyo farshaxankii Muslimiintii hore, dhismahan ayaana noqday mid ka mid ah todobada  (Mucjiso) ee caalamka ku yaala .

Sanadkii 1983 ayaa markii ugu horaysay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqanka iyo sayniska ee UNESCO waxa ay ku dartay Liiska lagu diwaangaliyo dhaxalka Caalamka.

Guriga Taj Mahal ayaa ah dhismaha ugu caansan dalka Hindiya, wuxuuna sannad walba soo jiitaa malaayiin ruux oo dalxiiseyaal ah, waana sababta kentay in lagu jilo afnaam badan oo ah kuwa ay soo saarto shirkada Filimada Hindiya ee Bollywoodka.

By Bile Beshir Mehbub  BBM)