Talefishanka Caanka ah ee laga leeyahay dalka maraykanka ayaa baahiyay xog cusub oo ku saabsisan dilkii wariyahii Washinton Post ee Jamaal Khashogji.

________________________________

London (Daily Som):- CNN ayaa  shaacisay in fariimo ay isku weydaarsadeen barta WhatsApp Khashoggi  iyo Cumar Cabdulcaziz oo ah arday ku nool  dalka Canada kuwaas iftiimin karaan dilka Khashoggi.

Tv ga ayaa fariiaha Jamaal Khashoggi kmid ka mid ah ku sheegay in weriyaha la khaarijiyay ku tilmaamay Maxamed Bin Salman inuu yahay bahal aan cidna deyneyn xitaa kuwa taageerayaasha u ah.

“Xariga waa mid aan loo meel dayin, waana kaligii taliye jecel xoog iyo cadaadis, waa sida bahalka oo kale oo jecel marwalba inuu wax cuno, lagamana yaabayo in cadaadiska uu gaaro xitaa kuwa u sacaba tumaya iyo kuwo kalaba Allaa wax og,”ayaa lagu yiri

Cumar Cabdulcaziz ayaa  ayaa sheegay in uu hada ku tala juro in uu dacwad ku soo oogo shirkada sameysay aalad lagu jabsaday taleefankiisa, asiga oo sheegay in Jaaal dilkiisa uu sabab u ahaa Hacking loo gaystay moobilkiisa.

“Hacking ka mobaylkeyga lagu saeeyay ayaa ahayd sababta ugu weyn ee keentay in la dilo Khashoggi.”ayuu  usheegay CNN.

Cumar ayaa ar hore bilaabay inuu ka soo horjeesto dowlada Sacuudiga isagoo arday wax ka barta Canada ah, iyada oo ay boqortoyada Sacudiga kala noqotay deeq waxbarasho oo ay hore u siisay taas oo arkale dib usiisay Canada iyadoo sano kadibna siisay magangalyo deganaasho uu ugu noolaan karo dalka Canada.