Isbitaalka Ugu wayn ee si bilaasha ah ubixiya Adeegada Caafimaadka oo xalay uu dab baabi’yay Daawadiisii Keydka

Dab ayaa xalay ka kacay isbitaalka degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, kaasoo sababay khasaare soo gaaray qeybta keydkii daawada ee Isbitaalka.

Maamulka isbitaalka ayaa sheegaya in dabka ka kacay isbitaalka uu sababay cilad koronto, waxaana uu socday saacado.

Dadka deegaanka ayaa muddo la xarbiyay inay dambiyaan, waxaana markii dambe ku guuleystay inay dabka damiyaan, ka hor inta uusan gaarin gaadiidka dab damiska.

Wararka ayaa sheegaya in dabka uu baabi’iyay qeybtii keydka daawada iyo wixii qalab ee yiil.

Daawooyinka ku baaba’ay qeybta keydka daawooyinka ayaa waxaa ka mid ahaa daawooyinka lagula tacaalo carruurta nafaqa darada heysata, daawooyinka ka hortagga shubanka iyo jadeecada.

Isbitaalka Dayniile ayaa ahaa isbitaalka ugu wayn ee bixiya adeegyo caafimaad oo Bilaasha Laabatnkii sano ee la soio dhaafay, waxaana lagu dabiibay In ka badan 100,000 oo bukaan ah sida laga soo xigtay masuuliyiin ka tirsan Maamuylka Isbitaalka Mudada uu jiray.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.