Daawo Muuqaal Abye Ahmed iyo Farmaajo oo Qabtay Shir Jaraa’id

Madaxweynaha Dowladsa Fedaraalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiye Ahmed ayaa shir jaraa’id oo wadajir ah goor dhow ku qabtay xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, kaddib wada hadal ay ku yeesheen.

Madaxweyne Faramaajo ayaa soo dhoweeyay booqashada Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, isagoo sheegay inay wadaagaan xiriir soo jireen, isagoo inay wadaagaan labada dal xiriir ganacsi, mid dhaqan oo ay labada shacab wadaagaan.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay socdaalkiisa iyo inuu ku ciido Soomaaliya, sidoo kale waxaa uu ammaanay howl galka AMISOM ee Ciidamada Itoobiya ee qeyb ka ah.

Wax yaabaha Xasaasiga ah ee laga filayay shirka ayaa waxaa ka mid ahaa Dekadaha iyo Arimaha Badaha maadaama Dhawaan uu sheegay Ra’isul Wasaaraha Itoobiya in ay samaysanayaan Ciidamo badeed, waxaana shirka looga isla markaana ay isla garteen qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin, in la hormariyo kaabayaasha dhaqaale sida horumarinta dekadaha iyo la casriyeeyo waddooyinka muhiimka ah ee marinka u ah Soomaaliya iyo Itoobiya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.